Golaha Mustaqbalka oo Mar kale Xasan Sheikh ugu Baaqay inuu Yimaado Miiska Wada-xaajoodka

by Heemaal
1 minutes read

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu mar kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu muddo bil gudaheed ah isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Hadalkaan ayaa laga sheegay shir uu guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka ku yeeshay magaalada Garowe, iyagoo sheegay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqan, uu gudi-galo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni, iyo halista argagixisada, si loo xaqiijiyo in dalka uu ka badbaado khataraha ka imaan kara dib-u-dhaca doorashada.

Shirka Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka ee maanta ka furmay Garoowe ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta tubta wada-xaajoodka doorashooyinka dalka si waafaqsan go’aanka Shirkii Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay wax ka yar lix bilood, ayaa ku adkaysanaya doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in aan dib loogu noqon doonin doorasho dad ban. Hase ahaatee, mucaaradka ayaa sheegaya in aysan muuqan xal aan ahayn in la aado doorasho la isku waafaqsan yahay.

Mucaaradka waxay sheegeen in madaxweyne Xasan Sheikh ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeynayaan doorasho ka wanaagsan kuwii hore, iyagoo ugu baaqay inuu yimaado miiska wada xaajoodka.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.