Heemaal News Network

Golaha Shacabka oo akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre.

Intaasi ka dib Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka ayaa Golaha faahfaahin ka siiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanadda ay guddiga su’aalo ka weydiiyeen hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu u leeyahay da’yarta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga laga doonayo in ay warbixinta akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka Xildhibaanada inta waafaqsan dastuurka, kuna soo celiyaan Golaha Shacabka.