Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha Wsiirrada u sheegay in waftigiisu ay kala hadleen Dawalda Imaraadka sidii labada Dal ay iskaga kaashan laahayeen arrimo door ah, gaar ahaan:
Sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraadka Carabta,
Sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada Dhaqaalaha, Shaqo-abuurka, Maalgalinta Mashaariicda Horumarka, Maaligalinta Beeraha, Xoolaha, Waxbarashada, Maalgalinta Macdanta iyo Shidaalka, Iskaashiga Bangiga dhexe, sii amba-qaadka balaadhinta Maalgashiga DP World, iskaashiga arrimaha Amniga, iyo arimo kale oo mudnaan u leh labada dal.
Madaxweynuhu waxaa uu Golaha Wasiirada u sheegay in isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey muddadii 4 cisho ahayd ee ay joogeen dalka Imaraadka Carabta ay kulamo kor u dhaafaya 10 kulan ay la yeeshay Masuulyiinta ugu sarreysa Imaraadka carabta.
𝐆𝐨,𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 .
Isla Fadhigii aan Caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ee maanta waxaa laga soo saarey Go’aamo ay cod gacan taag ah ay ugu codeyeen Golaha Wasiiradu waxaa ka mid ahaa .
𝟏. Go’aan Gole oo ku saabsan Dhaqan galinta Tiro koobka iyo Tayeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Go’aankaas waxaa u codeeyey 38 xubnood, cid ka aamustey iyo cid diiday-na may jirin.
𝟐. Golaha Wasiirradu waxa uu u codeeyay dhaqan-gelinta Cashuurta Iibka (Sales Tax) ee tooska ugu soo dhici doonta Khasnada Dowladda ee wax iibsiga kala ah:
𝐀) Hanaanka wax iibsiga Mobile Money-ga (Merchant Payments) ee adeegyada lacagaha danabaysan (Zaad, eDahab, MyCash, Sahal, iyo kuwa la midka ah).
𝐁) Hannaanka Wax Iibsiga ee ka dhex dhaca Mobile Applications-ka Bangiyada iyo Wallets-ka (DahabPlus, Waafi, PremierWallet, AmalBank, IBS Bank iyo kuwa la midka ah).
𝐂) Hannaanka ku shubashada lacagaha ku hadalka iyo Internetka ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable/SO, Soltelco, Gollis, Bluecom iyo dhammaan shirkaddaha bixiya ISP Services).
𝐃 ) Hannaanka Biil-bixinta ee Shirkaddaha bixiya adeega Dabka (Utility Bill Payment).
𝐄 ) Iyo dhammaan noocyada biil-bixinta ee nidaamsan iyo kuwa kaleba.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha Golaha Wasiiradda ee hoos ku sheegan u magacaabay Dhaqan-galinta Cashuurta Iibka ee tooska ah ee adeegyada sare ku sheegan:
𝟏) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
𝟐) Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada,
𝟑) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.
𝟒) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.
𝟓) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.