Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa ansixiyay heshiiska xabbad-joojinta ee ay la galayaan Xisbullah, taa oo ka dhigay 24 saac gudaheed inay Xisbullah joojin doonto dagaalka.
Netanyahu ayaa hadlay, kaddib ansixinta heshiiska , saddex arrin oo ku dhaliyay inuu qaato heshiis xabbad-joojin ah, kuwaasoo kale ah ;
• Inay Israa’iil fursad u hesho sidii ay diiradda u saari lahaayeen Iran, balse wuxuu diidday inuu bixiyo wax sharraxaad ah oo qodobkan la xiriira.
• Ciidanka Israa’iil in la nasiyo.
• Xisbullah in laga saaro garabka Xamaas.