Heemaal News Network

Dawlada Somaliya Oo Eriday Safiirka Ethiopia Ee Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin deg deg ah oo jawaab u ah daan daansi siyaasadeed oo waday dowladda Itoobiya, oo ka shaqeeneysa sidii Soomaaliya loo kala goyn lahaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya xaruntooda Adis Ababa ayaa shalay lagu soo dhaweeyay wasiirro katirsan maamulka Puntland, kuwaa oo dowladda Itoobiya la galay heshiisyo lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo arrimo kale.

Sida aan xogta ku helnay dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka eriday safiirkii dowladda Itoobiya u joogay Soomaaliya, waxa ay sidoo kale dowladda amartay in Itoobiya xirto qunsuliyadaha ay ku leedahay magaalooyinka Garawe iyo Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaana tallaabooyinkan u qaaday sidii ay jawaab uga bixin laheyd daandaasiga siyaasadeed ee wado Itoobiya, oo marar badan ku xad-gudubtay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo horey meel xun u marayay ayaa hadda waxaa uga sii daray heshiiskii ay shalay magaalada Adis Ababa ku gaareen wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Guryahaa Loogu Daatay Oo waa la Jir-dilay Dhalinyaradii Gobolka Awdal.” Gudoomiye Fadxidiin.

Heemaal

Barnaamij Suaalo Lagu Waydiinayo Wasiirka Amniga Maamulka SSC Khaatumo

Heemaaln

Xildhibaan Mahdi Guuleed “Gogosha Garoowe Ee Uu Dhigay Madaxweynaha Puntland waa Labo Arin…”

Heemaaln