Heemaal News Network

Gud. Cabdi Xaashi Oo Khudbad ka Jeediyay Fadhiga Aqalka Sare Ee Fadaralka Ruushka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku sugan magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa maanta ka qayb galay kulanka guud 591-aad ee golaha Federaalka (Aqalka Sare) ee dowladda Ruuska.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey kulanka ayuu kaga hadlay adkaynta labada Baarlamaan, isagoo si kooban u sheegay taariikhda xiriirkii ka dhaxayay Soomaaliya iyo Midowga Sofiyeet. Sidoo kalena Guddoomiyuhu wuxuu xusay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka wanaagsan oo ay wada lahaayeen labada dowladood isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay wada shaqaynta kor u qaadida xiriir wax ku ool ah oo ay la yeelato Dowladda Ruushka iyo in labada Baarlamaan isdhaafsadaan guddi saaxiibtinimo si looga wada faa’iidaysto khibradaha, shaqooyinka iyo dajinta-sharci ay wadaagaan.

Dhanka kale Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Ruushka in ay ka cafisay lacag boqolaal milyan oo ay ku lahayd Soomaaliya ayna muujinayso mowqif saaxiibtinimo iyo sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Marwo Valentino Metvienko casuumadda qiimaha badan leh isla markaana ay sharaf u tahay in maanta uu hor taaganyahay golaha Federaalka (Aqalka Sare) ayna tahay talaabo wanaagsan oo u horseedi karta in labada Baarlamaan xiriir toos ah oo wada shaqayneed yeesheen.