Heemaal News Network

Guddi Somaliland u Xilsaartay Fulinta Heshiiskii Itoobiya Oo Qaaday talaabo cusub.(Sawirro)

Guddida Farsamo ee Somaliland u qaabilsan heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.

Kulamada guddidu la qaadatay hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka ayey ujeeddadoodu ahayd isxogwaraysi iyo talo urursi la xiriirta isfahamka dhex maray Somaliland iyo Ethiopia oo ay guddidani ku hawllan tahay hufiddiisa.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si taxadar leh uga hadlay heshiiska Somaliland Itoobiya ku siineyso dhul badeedka, kuna bedelaneyso aqoonsiga, iyagoo sheegay iney sugayaan inta ay faahfaahin badan ka helayaan.

Heshiiskan ayaa u muuqda haatan mid buray oo cagta saaray wadadii fgashilka ka dib Dowlada Somalia oo heshiiskaas ka carootay ay Itoobiya kaga guuleysatay ololihii diblomaasiyada, taasoo ku riixday xukuumada Abiy Ahmed iney ka caga jiido fulinta heshiiska oo xiisad ka abuuray geeska Afrika.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Olusegun Obasanjo Oo Loo Xil Saaray Heshiisiinta Soomaliya Iyo Itoobiya

Heemaal

Dr Fadal Oo M/Biixi la taliyey, kana Cudur-daartay Guddi Heshiiska Badda Ee Lagu Daray

Heemaaln

“Saylac Anagaa Leh Ee kuwa Ismagacabay Oo Leh Waxaan ahay Maamul Goboleedka Awdal State..” Xil Seynab Caamir

Heemaaln