Guddiga Doorashooyinka Jubbaland Oo Raadinaya cid la Tartanta Madaxweyne Madoobe. November 18, 2024November 18, 2024 Guddiga Madaxa-bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee qabashada doorashooyinka Dowladda Jubbaland uu dhexdhexaad u yahay guud ahaan dadka daneynaynaaya inay u tartamaan xilalka Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha Jubbaland. Waxay ugu baaqeen dhammaan dadka ay khuseyso arrintani inay u soo gudbiyaan Xafiiska Guddiga araajidooda xilliga loo qabtay.