Heemaal News Network

Guddiga Doorashoyinka Somaliya oo Muddo kordhin u sameeyay Diiwaan galinta Ururada siyaasadda dalka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in mudo kordhin u sameeyeen waqti diiwaan galinta Ururada dalka oo ku ekeyd 31-ka bishaan Maarso.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in mudo kordhinta ay ku timid codsi uga yimid qaar ka mid ah Ururada, islamarkaana guddiga doorashada uu qaatay in mudo 21 cisho ah lagu daro.

“Dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan wada hadal la sameynay Ururadii hori isku diwaangeliyay iyo kuwa weli shaqadooda socoto, waxay naga codsadeen in 21, beri loogu daro, guddiga shir uu codsigaas ka yeeshay Shalay waxaa lagu go’aamiyay in lagu daro mudo 21 cisho ah, maadama muddadii ahayd ay ku ekeyd 31-ka bishaan Maarso” ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasa