Heemaal News Network

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran Oo booqday koonfurta Beirut

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Qalibaf ayaa booqday koonfurta Beirut, halkaa oo saddexdii toddobaad ee u dambeysay ay ka dhaceen duqeymo joogto ah oo lagu dilay hoggaanka ururka Xisbullah.

Qalibaf, ayaa la kulmi doona hoggaanka sare ee Xisbullah inta uu ku suganyahay caasimadda Lubnaan oo saacadihii hore ee maanta uu gaaray, socdaal lagu sheegay inuu calaamad u yahay taageerrada Iran ee dadka Lubnaan iyo ururka Xisbullah.