Heemaal News Network

Gudomiye Cabdi Xaashi Oo Gaaray Moscow lana Kulmay Gud. Baarlamaanka Ruushka.(Sawiro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Ruushka ee Moscow, Intii ay halkaas ku sugnaayeen, waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka, Marwo Valentina Matvienko. Kulankaas ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dhisidda iskaashi dhow oo dhex mara Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo Golaha Federaalka ee Ruushka.

Guddoomiye Valentina Matvienko ayaa carrabka ku adkaysay in dowladda Ruushka ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin inay taageero ka siiyaan dhinacyada milatariga, waxbarashada, tababarka ciidamada, iyo kaalmada bini’aadantinimo.

Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka uu yahay mid soo jireen ah oo bilowday sanadkii 1964, afar sano kadib markii Soomaaliya ay xornimada qaadatay. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee dowladdii Midowga Sofiyeet ay ka qaadatay gurmadkii abaartii 1974–1975, iyadoo la soo diray gargaar bani’aadanimo iyo diyaarado lagu badbaadinayay dadkii ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Marwo Valentina Matvienko soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhisto xiriir wanaagsan oo joogto ah la leh dowladda Ruushka iyo Baarlamaanka Federaalka ee dalkaas.