Mas’uuliyiin uu ugu horeeyay Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Bahda Sports ka iyo dad weyne kale ayaa si diiran ugu soo dhoweeyay Ciyaartooydaan maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga qeyb ka ah Guddoomiyaha Urura Kubadda Cagta ee CACAFA.
Muhiimada imaanshiyaha wafdigaan ayaa ah sidii xulka Soomaaliya ay u heli lahaayeen kulamada loo yaqaan Home Games ka oo ah in Xulka Soomaaliya ay ku ciyaari karaan dalkooda kuna marti galin karaan xulal kale ee caalamiga ah sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Shiine.
Falanqeyeyaasha Ciyaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Xiriirka Soomaaliyee ee Kubadda Cagta Soomaaliyeed muddo dheer ay dadaal ugu jireen in Xulka Soomaaliya loo ogolaado inay ku ciyaari karaan Gurigooda (Home), taas oo u baahneeyd juhdi dheer, galaangal, ol’ole sidoo kale Taageero laga helo xiriirka kubadda cagta Africa (CAF) iyo kan caalamka (FIFA), sedexdaan nin ee maanta timidna ay wax weyn ka galaan marki ay noqoto suuqgeynta magaca Soomaaliya.
Ciyaaryahan Eto maaha kaliya ciyaaryahan hore ee waa Gudoomiyaha xiriirka kubadda Cagta ee Cameron, sidoo kale Ciyaaryahanada Adebayor iyo Okocha waa niman saameyn ku leh hay’adaha kubadda cagta dunida si joogta ahna waxa aay uga soo muuqdaan saxaafadda caalamka.
Galabta waxaa lagu wadaa inay bandhig Ciyaareed Kubadda Cagta ah lagu qabto garoonka Stadium Muqdisho oo dadweyne badan ay tagi doonaan iyagoona halkaasi kula ciyaari doona Xulka Qaranka Soomaaliya.