Heemaal News Network

Harris Oo Heshay Ergooyin ku Filan si ay u Noqoto Musharaxa Dimoqraadiga

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa heshay taageerada codka ergooyinka Dimuqraadiga si ay u noqoto musharraxa xisbiga ee doorashada kula tartamaya Trump in ka yar 48 saacadood ka dib markii Biden uu ka baxay tartanka

Arrintan ayaa la macno ah in dhammaan xisbigu ay ku midoobeen iyada, tani waa calaamad muujinaysa in Trump uu wajihi doono tartan adag.

Kamala Harris ayaa ilaa hadda heshay in ka badan 1,976 cod, waxay u baahneyd kaliya 1,976 si ay ugu guuleysato inay noqoto musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga. Waxay dhaafi karta 2,000 oo cod wax ka yar 24 saacadood.

Sidoo kale , waxay si deg deg u helaysa maalgelin ballaaran oo ay ku kharash gareyn karto ololaheeda muddada ka dhiman doorashada, tan iyo xalay markii uu Biden sheegay inuu doorashada ka haray oo uu soo jeediyay in la taageerro Harris, maalgelinta ay heshay waxay gaartay $150 milyan, iyadoo ay horey u jirtay lacag ka badan $141 milyan oo ka hartay ololihii Biden oo loo wareejinayo ololaha Harris, taasoo ka dhigan inay maalgelin ku filan helayso.