Maxkamadda ku taalla magaalada Ho Chi Minh ayaa waxay sheegtay in Truong My Lan ay ahayd maskaxdii ka dambeysay in afartan bilan oo doolar laga qalin shubateeyo bangiga Saigon muddo toban sano ah.
Waxaa lagu eedeeyay in ay ay si dadban ula wareegtay milkiyadda in ka badan sagaashan boqolkiiba saamiyada baniga ka hor inta aysan si sharci darro ah u qaadan cadad badan oo deyn ah. 85 ruux oo kale ayaa waxaa ku dhacay xukuno intaa ka qafiifsan.