UNESCO – Hey’adda Qaramada Moobey ayaa maanta Xeerka Beesha Soomaaliyeed ee ‘Ciisaha’ ee Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya degta u aqoonsadey #IntangilbleHeritage – Dhaqamada lama taabtaanka ah.
Xeer Ciise waa xeer la aas-aasey qarnigii 16aad, kadib burburkii dawladdii Adal, waxa uuna asal u yahay sinaanta beelweynta Ciise:- “Ciise waa Ciise nina caaro ma dheere.” – ayaa la yidhaahdaa.
Xeerka ayaa dhigaya in hogaaminta dhaqanku ka koobnaato; Ugaas, Guddi iyo Gande. Xeerka Ciisuhu waa nidaam maamulka oo ku dhisan 6 kabood: Dhul, Dhiig, Dhaqan, Dhaqaale, Dheer iyo Dhible.
Ma jiraa xeer beel kale oo caalamku aqoonsaday?