Saddexda qof ee lagu eedeyay inay u shaqeynayeen Ruushka ayaa isugu jira labo dumar ah iyo hal nin, intii u dhaxeysay 2020 illaa 2023 ayaa la sheegay inay howlgallo basaasnimo ka fuliyeen dalal kale oo Yurub ah oo Jarmalku ku jiro.
Kooxdan ayaa beegsanayay xarumaha militariga shaqsiyaadka saameynta leh, wariyeyaal iyo goobaha muhiim ah, waxayna lahayeen xirfado kale duwan oo isugu jira farshaxanka, caafimaadka iyo qurxinta oo ay si maalinle ah ugu shaqeyn jireen, si aan wax raad ah loogu helin.
Kooxadan ayaa heysata tababbaro is difaacid ah, inay fulin karaan howlgallo afduub iyo dil ah, sida ay warbaahinka ka soo xigatay booliiska London.