Heemaal News Network

Hay’adda Caalamiga ah ee Nukliyeerka Oo Sheegtay Inaysan khasaaro Gaarin Xarunta Nukliyeerka Iran Ee la Duqeeyay

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in aysan jirin ilaa iyo hadda calaamad muujinaysa in shucaac ku faafay bannaanka xarumaha nukliyeerka Iran,kaddib weerarradii Israa’iil ku qaaday, taasoo meesha ka saaraysa inuu jiro wax khasaare ah oo gaaray xarumaha nukliyeerka Iran, xataa iyadoo Israa’iil ay marar kale duwan duqeymo ka geysatay.