Heshiis caalami ah oo ku saabsan maareynta biyaha webiga Niil ayaa dhaqan galay inkastoo si xooggan ay uga soo horjeedaan dalalka Masar iyo Suudaan. Ka dib in ka badan toban sano oo wadaxaajood ah, heshiiska Iskaashiga Gobolka Webiga Niil ayaa loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah si loo hubiyo in dalalkan kor iyo hoosba ay ka faa’iideysan karaan biyaha Niil.
Kheyraadkan ayaa marar badan noqday xudunta khilaaf gobolka, gaar ahaan ka dib markii Itoobiya dhistay biyo xireenka oo ay doonayso in ay ka dhaliso koronto..
Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la hubiyo in dhammaan toban dal oo ku jira dooxada Niil ay haystaan qaab sharciyeed oo maamula isticmaalka webiga. Laakiin labo dal ma saxiixan. Masar ayaa muddo dheer ku adkeysanaysay inay raacdo heshiisyadii 1929 iyo 1959 ee xaqiijinayay inay iyada iyo Suudaan heli doonaan qiyaas cayiman oo biyo ah sanad walba.
Masar sidoo kale waxay awood u leedahay inay diiddo mashaariic kasta oo ku saabsan webiga Niil ee dalalka aan soo xusnay.
Itoobiya waxay dhistay biyo xireenkeeda ballaaran si ay koronto ugu sameysato. Khilaafkan wuxuu qayb ka yahay khilaaf siyaasadeed oo halis ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo dhinac ah, iyo Itoobiya oo iayaduna ku sii adkaysanaysa tallaabooyin dalalkaan ka caraysiiyay.
Khilaafka arrintaas ka dhashay oo weli taagan ayaa keenay in dhawaan ay Masar ka qayb ka noqoto iskaashi saddex geesood ah oo looga dhawaaqay magaalada Asmara ee caasimadda Ereteriya kaas oo u dhaxeeya madaxweynah Ereteriya Isaias Afwerki, Cabdul Fitaax- asiisi madaxweynaha iyo Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya.
Iskaashigaan ayaa ah mid ka dhan ah oo Itoobiya ay u aragto inuu khatar ku yahay, waxaana dadka falanqeeya arrimaha gobolka ay sheegayaan in xiisadda gobolka oo awalba maraysa meel adag ay sare u sii kici karto.