Heemaal News Network

Heshiis Laga Gaaray Shaqo joojintii Dhaqaatiirta Kenya ku jireen Muddada dheer

Guud ahaan dhakhaatiirta dalka ayaa maanta oo Arbaca ah soo afjaray shaqo joojin ay ka sameeyeen guud ahaan dalka ka dib markii ay heshiis ay dib ugu laabanayaan shaqada ay la saxiixdeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamul Goboleedyada.

Midowga Ururka Dhakhaatiirta iyo Dhakhaatiirta Ilkaha ee Kenya (KMPDU) ayaa shaqo joojin ku jiray 56 maalmood.

” Shaqo joojinta waa ay dhamaatay, dhakhaatiirtuna waa inay si degdeg ah u bilaabaan shaqada,” Davji Atellah, Xoghayaha Guud ee KMPDU ayaa sidaasi yiri.

Qoddobada lagu heshiiyay ee shaqo joojinta waxaa ka mid ahaa mushaarka dhakhaatiirta iyo xaaladaha shaqada, iyo sidoo kale fulinta heshiisyo horay loogu heshiiyey.

Intii lagu guda jiro saxiixa, Atellah wuxuu daaha ka qaaday in arrinta ku saabsan tababarayaasha aan si dhab ah loo xalin.