Heemaal News Network

Heyadda WHO Oo Qarka u Saaran in Albaabada loo Laabo

WHO ayaa ka digtay in caafimaadka adduunku uu halis weyn ku jiro Iyadoo taageerada deeq-bixiyeyaashu ay si weyn hoos ugu dhacday

Maalgelinta caafimaadka adduunka ayaa wajahaysa qalalaasihii ugu xumaa inta la xasuusto “; Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidaas yiri khamiistii Isaga oo sheegay in hay’addu ay wajaheyso carqalad dhinaca dhaqaalaha ah

WHO waxa ay qorshaynaysaa in ay jarto dhammaan heerarka kala duwan ee hawlaheeda shaqo, oo ay ku jirto xarunteeda Geneva iyo xafiisyada gobolka iyo dalalka qaar oo laga yaabo in la xiro iyadoo qoraal ay aragtay Reuters uu qeexayo hoos u dhac ku yimid $5.3bn ilaa $4.2bn iyo sidoo kale dhimista shaqaalaha

Taageerada deeq-bixiyeyaasha ayaa hoos u dhacay Iyadoo qalalaasaha dhaqaale ee soo foodsaartay WHO uu sii xoogeystay ka dib markii Mareykanka, oo horey u bixin jiray ​​shan meelood meel miisaaniyada heyadda caafimaadka adduunka uu jaray isla markaana uu ka baxay xubnimadiisii heyadda bishii January

Ka bixitaanka Maraykanku Iyo jarida gargaarkii caafimaad ee heyadda USAID ayaa cadaadis ku sii kordhiyay WHO oo hoos u dhacday ku dhawaad ​​$600m sanadkan oo keliya

Tedros ayaa u sheegay saxafiyiinta in haddii aan la helin taageero cusub, ay ka digayaan , awoodda wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka caalamiga ah iyo joogtaynta adeegyada aasaasiga ah ay burburi karto.