Heemaal News Network

Hiiraan State iyo Hirshabeelle Oo kala Magacaabay Guddi-baaris ku Sameynaya Dhibaato ka Dhacay Baledweyne

Guddoomiyaasha gobolka Hiiraan ee maamulada is diidan hadana kuwada sugan aqalo isku muuqda oo ku yaala gudaha magaalada Baledweyne ee Hiiraan State iyo Hirshabeelle ayaa kala magacaabay guddiyo baaritaan ku sameynaya dadkii ka dambeeyay dilal iyo dhac loo geystay dhowrkii habeen ee lasoo dhaafay dad shacab ah si cadaalada loo horkeeno.

Magacaabista guddiyada baarista ee kala magacabeen labadaan maamul ee isku haya maamulista Baledweyn ayaa timid, kadib markii dilal bareer ahaa gudaha magaalada loogu geystay ilaa sadax ruux oo lagu kala magacaabi jiray Geedi Nuuur Maxamuud, Leyla Ibraahim Cali, Khadar Feysal Naaleeye.

Xubnaha guddiga baarista uu magacabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hiiraan State Cabdi Xiish ayaa ka kooban lix xubnood, halka xubnaha uu magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle Muuse Salaad ay ka kooban yihiin 7 xubnood.

Guddoomiyaasha ugu kala magacaaban gobolka Hiiraan labada maamul Hirshabeelle iyo Hiiraan State ayaa faray guddiyada baarista iney qaadaan talaabooyin sharci ah oo cadaaladda ku saleysan.

Ugu dambeyntii magacaabista guddiyadaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Baledweyne ay ka jirto mudooyinkii dambe xaalado amni daro noocii ugu dambeeyay, sida dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo dadka shacabka ah, waxaana falalkaasi inta badan geysto sida la xaqiijiyay dad ku labisan dharka ciidanka, lamana oga waxa ay ka badali karaan amni xumada sii kordheysa ee ka taagan Baledweyne.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

DEG DEG: Qarax Labaad Oo ka Dhacay Aaga Hotelka SYL iyo Wararkii u Dambeeyey

Heemaaln

Muxuu Deni kala Hadlay Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga Puntland? (Sawirro)

Heemaaln

Somaliland Oo ku Eedaysay Somalia in Shirqool ay ku Dishay Wiilkii Muqdisho Lagu Dilay.

Heemaaln