Heemaal News Network

Hindiya Oo Talaabo ka Qaaday Askarigii Haraatida la Dhacayay Dadka Wado ku Tukanayay

Waxaa baraha bulshada aad ugu baahay ilaa iyo shalay muuqaalka askari haraatinaya dad salaadii jimcaha ku tukanayay goob waddo ah, dad badan ayaana ka carooday arrinkaas.

Dhacdadaas oo shalay oo jimce ahayd ka dhacday Delhi, ayaa dad badan oo ka xumaaday waxay banaanbax ka dhigeen xarun tareen oo u dhaw goobta.

Dibad-baxyada ayaa haatan is taageen kadib markii booliska Delhi ay isla markiiba shaqada ka joojiyeen askarigii falkaas ka dambeeyay.

Shaqo ka joojin askartan ayaa waxa xaqiijiyay booliska magaalada Delhi oo la hadlay warbaahinta la hadlay, waxayna sidoo kale su’aalo waydiinayaan askarigii sameeyay falkaasi.

“Muuqaalkan ayaa aad ugu baahay baraha bulshada, Waxaa talaabo laga qaaday askarigii lagu arkay muuqaalka, iyadoo la laalay shaqadii askariga masuulka ka ahaa.” Sida uu sheegay madaxa qaybta booliska ee Wuqooyiga Delhi Manoj Kumar.

“Xaalku hadda waa uu dagan yahay. Waxaan xiriir la sameynay dadka deegaanka ee fariintooda na soo gaarsiiyay waxaanan u sheegnay in ay dhawraan nidaamka iyo kala dambeynta xaafadda. Intoodii badneyda goobta waa ay isaga tageen. Si loo xaliyana isu socodkii gaadiidka ee maasha waa la hakiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Muuqaalkaan oo dunida oo dhan ku baahay ayaa laga dhex arki karaa askariga booliska ah oo six un ula dhaqmaya dad sujuudsan oo ku jira salaadda Jimcaha goob wado ah.

Askariga ayaa la arkayaa isaga oo qof sujuudsan gadaal uga dhufanaya haraati, qofkii ayaana si halhaleel ah u kacaya ugana baxaya salaadda.

Hadana qof kale oo ku jiray safkaas kii ka horeeyay ayuu u imaanayaa, sidii si la mid ah ayuu gadaal haraati dhufanayaa. Intaas ka dib ayaa loo jeedi dayaa dad isku dayaya in ay la hadlaan askariga.

Dadka ayaa uga doodaya arrintaan baraha bulshada iyaga oo dalbanayay in talaabo laga qaado.

Mid ka mid ah dadkaas oo lagu magacaabo Rajya Sabha ayaa ku soo daabacay bartiisa X, “Askariga Delhi ee haraatiniya qof salaad ku jira waxay ila tahay in gabi ahaanba uusan wax ka aqoon xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah. Nacayb nuucee ah ayaa ku jira oo buux dhaafiyay qalbiga askarigaan. Waxaan ka codsaneynaa qayb booliska ee Delhi in ay kiis ku furto askariga ayna shaqada ka ceyriso.”

Sidoo kale maaha markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah dhaco waxaana jira kiisas hore oo abuuray khalalaaso iyo hadhayn kuwaas oo la xiriira dad salaad ku jiray oo horay u dhacay. Magaalada Gurugram waxaa horay isku dhac u dhex maray dad salaad tukanayay iyo booliska.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Burcad Badeeddii Lagu Qabtay Markabka MV Ruen Oo Maanta Laga Dajiyay Mumbai Ee Hindiya

Heemaaln

Dawlada Somalia Oo Qareen u Qabatay Burcad Baddeed Lagu Maxkamadeynayo India

Heemaaln

Somaliya iyo Hindi Oo Heshiis is Afgarad ah ka Gaaray Visaha Dal ku galka

Heemaaln