Heemaal News Network

Hirshabelle oo Xiriirkii Wada-shaqeyneed U Jartay Heyadda SODMA

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Hirshabelle waxay si rasmi ah u shaacisay in ay jartay xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mohamud Mo’alim.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii shalay gudoomiyaha heyaddan uu gaarsiiyey moqokiro dayuurado siday kaartoomo yar oo ay ku jiraan dawooyin taasoo la saluugay kana careysiisay Maamulka G/hiiraan iyo kan Hirshabelle.

“Go’aankan waxa uu salka ku hayaa is-faham la’aan joogto ah, ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la’aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka, gaar ahaan dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Moqokori ee la geeyay afar kartoon oo dawo ah si aan habboonayn” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka hirshabele oo sidan hoose u qornaa:-