Heemaal News Network

Hogaamiyaha SSC Oo Isbitaalka Laascaanood ku Booqday Dhaawacyadii Dagaalkii Shalay

Laascaanood, 08.03.2025:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa Cisbitaalka Guud ee Caasimadda ku booqday dhaawaca ciidanka halyeeyada ah ee ku dhaawacmay duullaankii ay kusoo qaadeen deegaannada SSC-Khaatumo maleeshiyaadkii Soomaaliland ee nafla caariga ah.

Ciidanka Daraawiishta ayaa duullaan kasta oo ay soo maleegaan kooxahaas ishuursan sugitq u qabta oo u diiday in ay soo galaan taako ka mid ah dhul weynaha SSC-Khaatumo. Sidoo kale hoggaamiyaha ayaa xog dhammaystiran ka qaatay wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa halyeyada dhaawacmay ilaahay uga baryey caafimaad degdeg ah, dhaawacana ugana dhigo nabar-darro.

-DHAMMAAD-