Heemaal News Network

Hogaamiyaha Suuriya Oo Maanta kala diray Dagaalyahannadii ka Qeybqaatay kacdoonkii

Taliyaha guud ee maamulka Suuriya, Axmed Al Sharac ayaa maanta ku dhawaaqay in la kala diray dagaalyahannadii ka qeybqaatay kacdoonkii xukunka looga tuuray Bashaar Al-assad, kaddib kulan uu la qaatay hoggaamiyayaasha kooxihii ka qeybqaatay howlgalkii militari ee lagu soo afjaray maamulka kontonka sanno xukumayay Suuriya ee reer Assad.

Al Sharac, wuxuu sheegay in ciidankii qeybta ka ahaa howlgalka iyo hoggaamiyayaashooda lagu biirin doono ciidanka militariga Suuriya, oo la hoos geeyay wasaaradda difaaca Suuriya.