Heemaal News Network

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa kulan la qaatay R/Wasaaraha Jabuuti.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa kulan la qaatay Raysal-Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Raysal-Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mud. Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, kulankan oo ka dhacay xafiiska Raysal wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga siyaasadeed, bulsdheed iyo dhaqaale ee geeska Afrika ee waddaamda walaalaha ah ee Soomaliya iyo Jabuuti.

Hoggaamiyaha oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku joogay dalka Jabuuti ayaa maanta soo afmeeray, isagoo si weyn ugu mahadceliyey Dawladda iyo shacabka Jabuuti sidii heerka sare ahayd ee loogu soo dhaweeyey Jabuuti iyo sidoo kale doorka wanaagsan ee Jabuuti ku leedahay Dawlad dhiska Soomaaliya.