Heemaal News Network

Hoobiyayaal Goor-dhaweyd Lagu Garaacay Suuqa Baraakaraha Oo Geystay khasaare

Tiro madaafiic ah ayaa goordhaw lagu garaacay qeybo kamid ah suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho , waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiicda.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureysa iyo bangiga Salaam , aaga ay madaafiicda ku dhaceen ayaana ah goob aad u mashquul badan oo dadku ku badan yihiin.

Dad badan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray madaafiicda ku dhacday suuqa Bakaaraha ayaa isbitaal loola cararay, waxaana aaga madaafiicda ku dhaceen ka dhacay kala carra iyo argagax badan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

NISA Oo Shaacisay Magacyada Khawaariijtii Shalay Lagu Dilay Galguduud

Heemaal

Xamse Barre Oo Goor-dhawayd Magacaabay Saddex Xil Oo Cusub (Akhriso Magacyada)

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo si Adag Uga Hadlay wax ka Bedelka Dastuurka ay Farmaajo iyo Shariif…

Heemaaln