Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo maanta lagu garaacay qeybo kala duwan oo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 10 hoobiyeyaal ah ku kala dhaceen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Afgooye, xerada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaas, sida warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ku sugan degmada.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in hoobiyaasha ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad u badan shacab iyo askar, waxaana la sheegaya in dadka ku dhintay hoobiyaasha inuu ka mid yahay sarkaal magaciisa lagu sheegay Xuseen Xaaji Maxamed oo loo yaqiinay Aw koombe.
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in xiliga madaafiicda lagu garaacayay degmada Afgooye inuu halkaasi ku sugana taliyaha qeybta Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo saraakiil kale.
Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ay geysteen madaafiida maanta lagu garaacay gudaha degmada Afgooye.
Weerarkaan hoobiyaasha ah ee lagu qaaday gudaha degmada Afgooye ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay sidaan oo kale weerar hoobiyaal ah kooxda Al-shabaab uga qaaday xerada Xalane ee ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.