Shirkadda isgaarsiinta Hormuud , ayaa war ay soo saartay ku faah faahisay dil maanta xarunteeda weyn ee magaalada Muqdisho loogu geestay askari katirsanaa ciidanka dowladda oo laga shakiyay.
Warka kasoo baxay Hormuud Telcom , ayaa lagu sheegay in askar hubeysan oo damacdanaa in lacag kala baxaan number aysan laheyn shirkadda yimaadeen, ragaas ayaa sidoo kale la sheegay in ay gabar afduub ahaan shirmadda xarunteeda u keeneen si ay lacag numberka uga bixiso.
Hormuud ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay in iska horimaad dhax maray ilaalada xarunta iyo askarta hubeysan ay sababta in goobta lagu dilo mid kamid ah raggii hubeysnaa ee xarunta yimid.