Jubbaland ayaa soo bandhigtay hub fara badan iyo saanad milateri oo Al-shabaab looga furtay dagaaladii saaka ka dhacay degaano ka tirsan Jubadda hoose.
hubka ayaa iskugu jiray qoryaha fudud, boobayaasha culus, gantaalaha garabka laga rido, rasaas fara badan iyo agab kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidamada maamulka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo is garabsanaya ay ka hortageen saddex weerar oo xoogaga al-Shabaab ay kusoo qaadeen saacadihii hore ee saaka saddex saldhig oo dhowaan laga qabtay al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in al-Shabaab ay soo weerareen Buulo Xaaji, Harboole iyo Miido, isla markaana saddexda weerarba ay iska caabiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa maamulka.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso in lagu dilay in ka badan 80 maleeshiyaadka al-Shabaab ah saddex weerar oo ay maanta kusoo qaadeen Buulo Xaaji, Harboole iyo Baar Sanguuni.
Sidoo kale In ka badan 200 oo dagaalyahano ka tirsanal shabaab oo isugu jiray kuwii ku dhaawacmay weerarkii saaka iyo kuwo firxad ah ayaa duqeyn dhanka cirka ah waxaa la eegtay saaxiibada Soomaaliya ka caawiya dhinaca la dagaalanka Argagixisada sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland
“Deegaan lagu magacaabo Dalaayad oo qiyaas ahaan 18-KM degmada Badhaadhe u jira ayaa lagula eegtay duqeynta maleeshiyaadka Argagixisada oo jahwareer badan uu ka muuqday ka gadaal mucjisadii saaka ku qabsatay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose” ayaa lagiu yiri war ka soo baxay Jubbaland.