Go’aanka ayaa mamnuucaya in hub sharci-darro ah lagu dhex wato caasimadda, ama qof dhar shibil ah ku dhex sito hub. Mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada istaafka leh ayaa lagu wargeliyay inay ku sugnaadaan xeryahooda iyo goobahooda shaqada inta hawlgalku socdo.
Bulshada gobolka Nugaal ayaa lagu booriyay inay la shaqeeyaan ciidanka amniga, iyadoo cid kasta oo lagu qabto hub sharci-darro ah la horgeyn doono sharciga.”
Xigasho:-Maamulka Gobolka Nugaal