Heemaal News Network

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Taiwan Oo soo Gaartay Hargeysa.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Taiwan, François Wu ayaa maanta soo gaadhay Hargeysa si uu uga qaybgalo caleemo-saarka madaxweynaha cusub Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo berri si rasmi ah xilka ula wareegaya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan, oo lagu sheegay in weftiga Wasiir ku xigeenkooda Khaarajiga François Wu, ay Hargeysa ku soo dhaweysay Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda JSL Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Waxa kaloo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Taiwan soo dhaweyntiisa ka qaybgalay wakiilka Somaliland u fadhiya Taiwan Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud iyo Khadar Xuseen Cabdi oo ah xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI isla markaana ah xubin ka tirsan guddida xil la wareegista xukuumadda cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Taiwan François Wu wuxuu madaxweynaha cusub gaadhsiin doonaa dhambaal uu uga sido dawladiisa, sidoo kalena waxa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee JSL Md. Muuse Biixi Cabdi.