Monday, April 6, 2026

Iiraan oo dhaleecaysay Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA)

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Iiraan ayaa dhaleeceysay Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA), iyadoo ku eedeysay inay muujisay ficil la’aan, isla markaana ka digtay khatar sii kordheysa kadib weerarro lagu qaaday xarumaheeda nukliyeerka.

Warqad loo diray agaasimaha guud ee IAEA, madaxa tamarta nukliyeerka ee Iiraan, Mohammad Eslami, ayaa ku sheegay in ficil la’aantu ay “dhiirrigelinayso gardarro” ka dhan ah xarumaha sida warshadda nukliyeerka ee Bushehr, sida ay werisay Reuters.

Sida uu sheegay Eslami, warshadda kaliya ee nukliyeerka ee shaqeysa ee Iiraan ayaa afar jeer la beegsaday. Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay aaggaas wuxuu dhacay Sabtidii, waxaana lagu dilay hal askari oo amniga ka tirsan, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu ka digay in weerarrada noocaas ah ay keeni karaan sii-deyn walxo shucaac leh oo ka yimaada reaktar shaqeynaya, taas oo leh “cawaaqib aan dib loo sixi karin” oo ku wajahan dadka, deegaanka iyo dalalka deriska ah.

Eslami wuxuu ku tilmaamay weerarrada, jebin cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, wuxuuna si kulul u dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray “ficil la’aanta” hay’adda. Sida uu sheegay, muujinta walaac oo keliya ma filna, waxayna xitaa keeni kartaa in la dhiirrigeliyo weerarro cusub.

Heemaal News Network.