Heemaal News Network

Iiraan Oo ka Hadashay Eedeymaha loo Jeedinayo ka dib Weerarkii ay ku Qaaday Israa’iil

Dalal badan oo dunida ah ayaa eedeyn u jeediyey Iiran ka dib weerarkii ay sabtidii ku qaaday Israa’iil. Iiran ayaase eedeymahaas gaashaanka u daruurtay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiran Nasser Kanani, ayaa ugu baaqay wadamada reer galbeedka in ay qadariyaan xakamaynta Iran ee ku wajahan Israa’iil.

Iran ayaa in ka badan 300 oo diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo u ku garaacday Israa’iil balse ilaa 99%, Israa’iil iyo xulufadeeda ayaa sheegay inay soo rideen.

“Intii ay eedeymo u soo jeedin lahaayeen Iran, Reer Galbeedku waa in ay naftooda eedeeyaan oo ay ka jawaabaan dambiyada dagaal ee ay Israa’iil ka geysatay dagaalka Qasa.”ayuu yir afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kanani.

Kanani ayaa intaa ku daray in wadamada reer galbeedku “ay tahay inay qadariyaan xakamaynta Iran bilihii la soo dhaafay ka dib weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.