Heemaal News Network

Ilhaan Cumar oo dacwad xil ka qaadis ah ka gudbinaysa Saraakiisha ugu Sarreysa Gaashaandhigga Maraykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay gudbiso dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah seddex sarkaal oo sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.

Xubnahan ayaa ku lug leh sir dhowaan la faafiyay oo ku saabsanayd wadahadal u dhexeeyay madax ka tirsan dowladda Maraykanka, kuwaas oo wadahadal qarsoodi ah ka yeeshay weerarada Yemen.

Xubno ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa intii ay ku jireen wadahadalkan waxay caro ka muujiyeen taageerada Maraykanku siiyo xulafadiisa Yurub.

Waxay ku tilmaameen weerarada Maraykanku ku qaaday Yemen inay yihiin khalad sababi kara kor u kaca qiimaha shidaalka, taasoo Maraykanka ka dhigaysa mid badbaadinaya Yurub.

Xildhibaan Ilhaan Omar ayaa qorsheynaya inuu beegsado Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, Lataliyaha Amniga Qaranka Michael Waltz iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Dhexe (CIA) John Ratcliffe, sida ay sheegtay warbaahinta Axios.

Haweenayda Congress-ka ayaa fikraddan ku riixaysa asxaabteeda Dimuqraadiga ah ee Aqalka Koongareeska inay ku taageeraan mowqifkeeda.