Wada-hadalkan ayaa ku soo aaday, xilli maanta wafdi ka socda Sacuudiga ay booqdeen Dimishiq, markaa oo ay la kulmeen taliyaha sare ee maamulka Suuriya.
Sidoo kale Dawladda Qatar ayaa maanta ku dhawaaqday inay ku taageerri doonto dawladda cusub ee Suuriya, sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii garoommada diyaaradaha, iyadoo loo marayo dib u dhis iyo horumarinta qalabka oo ay weheliso tababarka shaqaalaha, kaddib wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta tagay Dimishiq.