Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa diiday go’aanka ay xukuumaddu Sudan ku gaartay in ay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay
Warbixin ay daqiiqado yar ka hor soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayna ku ugu yeertay dawladda Sudan ee sharciga ah “maamulka Port Sudan” ayaa waxa ay u qorrayd sidan;
“Jamhuuriyadda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in aysan aqoonsan go’aanka uu soo saaray maamulka Port Sudan, maadaama maamulkaasi uusan matalin dowladda sharciyeysan ee Suudaan iyo shacabkeeda sharafta leh”
Waxay sidoo kale caddeysay in bayaanka ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Difaaca uusan saameyn doonin xiriirka adag ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Suudaan iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa bayaankan ay soo saartay ku tiri:
“Go’aanka maamulka Port Sudan oo ah mid ka mid ah labada dhinac ee ku dagaallamaya gudaha Suudaan ee ah in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka uu yahay fal-celin maalmo yar kaddib markii Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ay diiday dacwaddii uu maamulka Port Sudan gudbiyay”
Imaaraatka ayaa si adag u eedeeyay Dawladda Sudan iyaga oo ugu yeeray Maamulka Port Suudaan, waxayna iska fogeeysay eedeymada loo jeediyay. Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri, “UAE Waxay diidan tahay Go’aanka Maamulka Port Sudan.”
Imaaraadka Carabta wuxuu caddeeyey in uusan aqoonsaneyn go’aanka kasoo baxay Maamulka Port Sudan, maadaama maamulkaasi uusan metelin dowladda sharciyeysan ee Suudaan iyo dadkeeda sharafta leh. Wuxuu sheegay in bayaanka kasoo baxay kooxda la baxday “Guddiga Amniga iyo Difaaca” uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UAE waxay xustay in go’aanka ay qaateen Maamulka Port Sudan – oo ah mid ka mid ah labada dhinac ee dagaalka Suudaan – ee ah inay jareen xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka, uu yimid maalmo kaddib markii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ay diiday dacwad ay gudbiyeen Maamulka Port Sudan.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay cambaareysay hadallada Maamulka Port Sudan, waxayna ku tilmaantay dhagar siyaasadeed oo loola jeedo in lagu carqaladeeyo dadaallada nabadda. Waxay xustay in shacabka Suudaan ay mudan yihiin dowlad rayid ah oo aan ciidamo xukumeynin, taasoo u daneysa shacabka oo dhan – halkii laga dili lahaa kala bar dadka, inta harsan la barakicin lahaa.
Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay xustay in Imaaraadku garab taagan yahay shacabka Suudaan, gaar ahaan bulshada Suudaan ee ku sugan Imaaraadka, iyo martida ka timid Suudaan, kuwaasoo aan go’aankan wax saameyn ah ku yeelan doonin. UAE waxay sheegtay inay tahay saaxiib dhaw oo Suudaan la leh xiriir in ka badan 50 sano, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada shacabka walaalaha la ah ee Suudaan”