Heemaal News Network

Lubnaan: Kumanaan Qof Oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weerar Xisbullah

In ka badan 1,200 qof ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday aaladaha isgaarsiinta ururka Xisbullah , iyagoo adeegsanayay nidaam gaar ah oo isgaarsiin oo loogu yeero ‘pager-ka’. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira safiirka Iran u fadhiyay Lubnaan , Mojtaba Amani, tana waxay inoo sheegaysa inay sidoo kale saraakiil sare oo Xisbullah ay ku dhaawacmeen weerarkan lagu qaaday nidaamkooda isgaarsiinta.

Israa’iil oo ah cidda weerarkan fulinaysa iyadoo adeegsanaysa nidaamkeeda sirdoonka gudaha Xisbullah, ma jiro sheegasho ka soo baxday oo ay ku sheegayaan inay weerarkan ka dambeeyaan, saacad ka hor oo weerarkan isgaarsiinta la fuliyay ayaa dadka waxyeelada ay soo gaartay waxay ku kala sugnaayeen aagga ay Xisbullah maamusho ee koonfurta Beirut iyo deegaanno ku yaalla bariga iyo koonfurta Lubnaan iyo qeybo ka mid ah dalka Suuriya, wallow aan la xaqiijinta inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhacay gudaha Suuriya. Mar horaba waxaa lagu sheegay weerarkii ugu weynaa ee isgaarsiin oo ka dhacaya bariga dhexe.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay dad ay ku qarxayaan boorsooyinka telefoonnada iyo agabka kale lagu rito oo garabka ama dhexda lagu xirto.

Sidee u dhici karaa weerar noocan ah?

Hoggaamiyaha Xisbullah,Xasan Nasrallah ayaa dhowr bilood ka hor ugu baaqay saraakiisha iyo dagaalyahannada Xisbullah gaar ahaan kuwa ku sugan jiidda hore ee soohdinta koonfureed ee Lubnaan inay joojiyaan isticmaalka taleefoonnada casriga ah, sababtoo ah Israa’iil waxay haysataa tignoolajiyad ay ku dhex gasho oo ay gasho aaladahaas, markaa kaddib Xisbullah ayaa bilowday adeegsiga nidaamka pagers oo ah nidaam duug ah oo isgaarsiin oo farriimo lagu wadaago, waqtigii hore wuxuu ka mid ahaa isgaarsiinta ugu sarreysa ee sirdoonka iyo shaqaalaha dawladda, sababtoo ah oo nidaam aan ku xirneyn internet-ka.

Inta aan ku jiray warbixinta , waxaan helay qof khibrad u leh adeegsiga nidaamka aalada isgaarsiinta ee pager-ka, wuxuu ii sheegay inuu u shaqeeyo hab xaddidan oo labo qof in la dhiso farriimo laga jawaabi karo ama farriimo xiran oo marka la akhriyo hawada ka baxaya , inta badana marka laga soo tago hay’adaha sirdoonka nidaamkan waxaa adeegsada isbitaallada iyo kooxaha gurmadka deg deg ah , waxaana la sameeyay pager-ka 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii,waxaana si ballaaran loo isticmaali jiray 1980-meeyadii illaa dabayaaqadii 1990-meeyadii iyo horraantii 2000 . Qarnigii 21-aad kaddib, helitaanka baahsan ee talefannada gacanta iyo talefannada casriga ah ee leh awoodda fariimaha qoraalka ah ayaa si weyn u yareeyey isticmaalka pager-ka .

Hadda Xisbullah, oo la kulmaysa khasaarihii ugu weynaa ee ka dhasha weerar aalada pager-ka, ayaa la sheegay inay adeegsigiisa bilowday saddexdii billood ee u dambeysay , waxay u muuqata nidaamka xaddidan ee aaladan inay ku doorteen , si cad waxaa jirta gacan saddexaad oo u fududeysay inay Israa’iil heshay khadka gaarka ah ee pager-ka oo ay adeegsadaan Xisbullah. Inta aan baaritaankayga gaarka ah ku jiray waxaan oggaaday inuu nidaamkan ku shaqeeyo baytariyada lithium-ka, kuwaaso haddii aad heshid hab aad ku gaari kartid inad ku shidid kulayl xad dhaaf ah dhalin kara qarax. Balse dhex-galkiisa ayaa hadda u muuqata in loo adeegsaday tignoolajiyad sare , sababtoo ah aaladan waa mid yar , xataa batarigeeda waa mid la mid ah midka ay ku shaqeeyaan raadiyaasha yaryar.

Maxay ka dhalan kartaa weerar noocan ah?

Aragtidayda weerar baaxada leh oo isgaarsiinta lagu beegsado waxay u muuqata in looga hortagayay xaalad khatar ah oo ku soo socotay , sababtoo ah marka loo eego nidaamkan cusub ee isgaarsiinta Xisbullah ay billowday inay adeegsado tan iyo bishii June , wax faa’iido ah uma leh inay Israa’iil burburiso, maaddama haddii gaartay ay ahayd meel ay kala socon kartay dhaqdhaqaaqa Xisbullah , waxaa kalo laga arkaya inay leedahay Israa’iil wakiillo sirdoon oo awood u leh inay la socdaan nidaamka gudaha Israa’iil.

Ma jiro hadal ka soo baxay dhinaca Israa’iil iyadoo warbaahinta Israa’iil ay ku warrantay in saraakiisha laga mamnuucay inay ka falceliyaan weerarkan. Sidoo kale dhinaca Xisbullah war kama soo bixin , mana jirto cid xaqiijisay in weerarkan ay waxyeelo ka soo gaartay saraakiisha sare oo uu ku jiro karo hoggaamiyaha sare Xasan Nasrallah oo oggaamiyay in la adeegsado nidaamkan isgaarsiinta. Weerarkana waxaa suragal ah xubnaha saldhigyada gododka dhulka hoose ku sugan haddii ay adeegsanayeen nidaamkan inay waxyeelada ugu daran iyaga soo gaartay taa oo khasaare ku ah.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaanna dadka ugu baaqday inay isbitaallada tagaan si ay dhiig u shubaan, maaddama weerarkan dhiig bax badan ay ka dhalatay.

Suragal ma tahay inay Israa’iil duulaan ballaaran qaadayso?

Miyay u baahantahay inay burburiso nidaamka isgaarsiinta Xisbullah, haddii ay duulaanka qaadayso?

Mise weerarkan oo ay suragal tahay inay hay’addo kale oo sirdoon ka qeybqaateen inay Israa’iil ku beddelanayso duulaan ballaaran oo ay ku qaado Xisbullah iyo dagaal toos ah oo ay la gasho? Sababtoo ah Mareykanka iyo Carabta ayaa Israa’iil ka baryaya inaysan gudaha u galin dhulka Lubnaan , si la mid ah Qasa, taa oo ay u arkayaan inay ka dhalan karto dagaalka inuu wada gaaro gobolka!

Haddii ay dhab tahay inay Israa’iil weerarkan u qaaday si ay duulaan uga fuliso dhulka Lubnaan iyadoo beegsanaysa saldhigyada Xisbullah , waxaa markaa dhici kara khasaare weyn oo gaari kara Xisbullah, maxaa yeelay waxaa la burburiyay nidaamkoodii xiriirka isgaarsiinta! Saacadaha soo socoda ayaan ka helayna su’aalaha jawaabahan.