Heemaal News Network

Ingiriiska iyo Canada Oo Cunaqabatayn kusoo Rogay Madaxweynaha Belarus,

Ingiriiska iyo Canada ayaa cunaqabateyn saaray 6 qof iyo 3 hay’adood oo ku dhow madaxweynaha Belarus, Aleksandr Lukashenko oo tan igo 1994 xilkaa haya oo maanta loo doortay markii toddobaadka xilka madaxweynaha, iyadoo horey dalalka Midowga Yurub, Ingiriiska, Canada, Australia, New Zealand iyo ururka Midowga Yurub ay cambaareeyeen doorashada uu ku soo baxay Lukashenko, oo ah saaxiibka ugu muhiimsan ee hoggaamiyaha Ruushka , iyadoo Belarus oo xad la wadaagta dalalka Midowga Yurub ay martigeliso dhammaan hubka Ruushka oo ay ku jiraan madaxyada nukliyeerka Ruushka.

Lukashenko, waa madaxweynihii koowaad ee ay yeelato Belarus, taa oo ka dhigtay hoggaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee Yurub. Wuxuu xilkan u diyaarinaya wiilkiisa ugu yar, Nikolai Lukashenko , oo ka mid ah 6-da qof ee cunaqabateynta ay maanta saareen Ingiriiska iyo Canada, kaasoo hadda lagu arko kullamada muhiimka ah.nd Ee Jiida Hore.