Dowladda Ingiriiska ayaa ku taageereysa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya malaayiin dollar, waxaana lacagtaasi ciidanka loogu iibin doonaa, raashin, qalabka isgaarsiinta iyo agabyo kale oo muhiim u ah ciidanka xoogga dalka.
Safaaradda dowladda Ingiriiska ku leedahay magaalada Muqdisho ayaana si rasmi ah ugu dhawaaqday in ku taageeri doonaan ciidanka ammaanka Soomaaliya lacag dhan £5 milyan, lacagtaasi oo wax badan u tari doonta ciidanka ammaanka.
Lacagtan shanta milyan ee dowladad Ingiriiska ugu deeqday ciidanka Soomaaliya, ayaa la marin doonaa mashruuca loo yaqaano UNSOS SSF Trust Fund. Waxaana lacagtan maamuli doona xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Ingiriiska ayaa lacagtan ugu tala galay in ciidanka loogu iibiyo cuntada, hoyga iyo daabulidda ciidamada. Sidoo kale waxa ay gacan ka geysan doontaa hawlgallada ay sida wadajirka ah ciidamada Soomaaliya ula sameeyaan ciidamada ATMIS.