Haddii uu warkan dhab yahay, markaa Iran waxay ka tagtay Xuutiyiinta, iyadoo mar kale la arki karo kooxdii labaad ee ugu xoogganayd xulafada Iran oo la burburinayo, kaddib wixii la arkay ee ku dhacay ururka Xisbullah oo tobannaan sanno ay maalgelinaysay Iran, balse bilooyin waxay ku qaadatay Israa’iil inay burburiso qaabdhismeedka ururka iyo inay meesha ka saarto hoggaamiyayaashii Xisbullah, halka uu sidan oo kale doonayo Mareykanka inuu ku sameeyo Xuutiyiinta..!
Dhinaca kale Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa xilli ay sare marayso hanjabada Mareykanka ee ka dhanka ah Iran , wuxuu waxyar ka hor sheegay inay Iran diyaar u tahay wada-hadal iyo wax wada qabsi ku saleysan dano guud iyo is ixtiraam, si xiisadda hoos loogu dhigo.