Heemaal News Network

Iran Oo Diiday Dalab Uu ula Yimid Wasiirka Arimaha Dibada Ee Jordan

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Ali Bagheri Kani ayaa u sheegay dhiggiisa Jordan, Ayman Safadi oo gelinkii dambe ee maanta booqasho deg deg ah ku tagay Tehran , si uu ugu qanciyo inay Iran hoos u dhigto xiisadda, ka dhalatay dilka Haniyeh.

Sidoo kale wasirka arimaha dibada Iran ayaa dhigiisa u sheegay inay-san Iran ka joogsan doonin inay jawaab adag ka bixiso dilka Haniyeh iyo ku xad-gudubka madax bannaanida Iran, isagoo intaa ku daray ; “Waa lagama maarman in jawaab adag laga bixiyo dilka Haniyeh.”