Heemaal News Network

Iran oo Diiday Qorshaha Masar ee Gaza mana Jiro Dal Kale, Walaac Xooggan ka Muujisay Hoggaanka Suuriya

Iran ayaa maanta si toos ah u diiday qorshaha Masar ee Gaza iyo maamul u samaynta dadka reer Falastiin oo Masar rabto laba dawladood oo midi Falastiin tahay, midina Israa’iil tahay oo nabad ku wada noolaada. Iran ayaa diiday in Is^raa’iil ay tahay dal gooni ah, sheegtayna dalka kaliya waa Falastiin mideysan oo qowmiyadaha oo dhan ay ku hoos noolaan karaan.

Mawqifka Tehraan ayaa ah mid diidan in Israa’iil loo xalaaleeyo qabsashada dhulka Falastiin, sheegtayna in mustaqbalka Gaza uu yahay mustaqbalka Falastiin wax kala dhantaalayaana aysan raalli ka ahayn.

Dhanka kale, Iran ayaa walaac xooggan ka muujisay xaalka Suuriya oo hadda dagaal sokeeyey ka biloowday, xalay illaa shalayna la xasuuqay in ka badan 500 oo qof oo isugu jira qowmiyadaha masiixiga, Duruus, iyo Muslinka Calawaatis oo ah qayb Shiicada kamid ah.

Xisbiga HTS oo hore u ahaa ISIS Syria, askartiisuna u badantahay ajaaniibta qowmiyadaha Turkik iyo Wiigar Shiinaha, marna ahaa al-Nusra Front oo uu hoggaamiyo al-Glonani, madaxii hore ee argagixisada ISIS, ahaana kuxigeenkii Abubakar Al-Baghdadi haddana noqday Axmed al-Shaara, Madaxweynaha Suuriya ayaa lagu eedeynayaa in uu amray xasuuqa ka socda gobolka Latakia.

Madaxweyne Axmed al-Shaara ayaan illaa iyo hadda ka hadlin deeganada Koonfur-galbeed Suuriya ee aagga Golan Heights iyo Mount Hermon ee Israa’iil si toos ah ula wareegtay, lagana shakisanyahay in uu xiriir toos ah la leeyahay sirdoonka Is^raa’iil.