Heemaal News Network

Iran Oo Diyaarineysa Weerar kale oo ka dhan ah Israel & Mareykanka oo..

Mareykanka ayaa lagu warramayaa inuu ku wargeliyay Iran inay joojiso iskudayga ay ku weerarrayso Israa’iil, haddii talaabadaas ay ku adkeysato Iran waxay u sheegeen inuusan Mareykanka awoodin mar kale inuu xakameeyo Israa’iil

Tan ayaa la macno ah inay Israa’iil qaadi karto weerar aargoosi ah oo ay ku beegsan karto xarumaha Nukliyeerka, sida ay sheegtay Shabakadda Axios oo xiganaysa Saraakiil Mareykan ah.

Mareykanka wuxuu farriintan u dhiibay Switzerland oo u gudbisay Iran, maaddama aysan jirin xiriir toos ah oo labada dhinac ka dhaxeeya.

Netanyahu wuxuu dhowaan ballanqaaday inuusan oggolaan doonin inay Iran heysato hub nukliyeerka, iyadoo inta badan xubnaha mucaaradka iyo siyaasiyiinta Israa’iil ay sidoo kale ka caroodeen sida uu mid hoose u ahaa weerarkii ay Israa’iil ka geysatay gudaha Iran, iyadoo ka jawaabaysa weerarkii Iran ee 1-dii Oktoobar.

Mareykanka ayaa mar kale u muuqdo inuu cabsi gelinayo Iran, kaddib markii uu bariga dhexe keenay maraakiibtiisa dagaalka ee xambaara diyaaradaha iyo gantaallada riddada dheer, taasoo ay dheertay in sidoo kale uu Mareykanka keenayo bariga dhexe dhowr diyaaradood oo ah nooca qaada gantaallada nukliyeerka ee riddada dheer iyo bambooyinka culus ee dhulka hoostiisa wax ka duqeeya ee B-52, tan oo ka dhigan waqti ka mid ah xilliyada uu Mareykanka awoodiisa oo dhan ku soo tuuray bariga dhexe.

Mareykanka wuxuu xoojinaya joogitaankiisa bariga dhexe , xilli ay Iran isku diyaarinayso ka hor doorashada Mareykanka inay weerarto Israa’iil si ay uga jawaabto weerarkii dabayaaqada Oktoobar ee Israa’iil ay ka geysatay gudaha Iran, iyadoo Washington ay ballanqaaday inay difaaci doonto Tel aviv

Dayax-gacmeedyada Mareykanka ayaa la sheegay inay sawirro ka qaadeen dhaqdhaqaaq ka socda xarumaha militariga Iran oo u muuqda inay isku diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan Israa’iil, sida uu raadiyaha ciidanka Israa’iil ka soo xigtay saraakiil Mareykan ah.