Heemaal News Network

Iran Oo Faah-faahisay khasaaraha kasoo Gaaray Weerarka lagu Qaaday Xarunta Nukliyeerka ee Fardow

Hay’adda Tamarta Atoomikada ee Iran ayaa ku dhawaaqday in xarunta nukliyeerka ee Fordow uu soo gaaray “burbur xaddidan” ka dib weeraradii ugu dambeeyay ee ay israa’iil la beegsatay.

Wakaaladda wararka ardayda Iran ee ISNA ayaa ka soo xigatay afhayeen u hadlay maamulkaasi in qiimayntii ugu horaysay ay muujinayso in burburku aanu saamaynayn kaabayaasha goobta.

” Burbur xaddidan ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah goobta kobcinta Fordow,” ayuu yiri afhayeenka Behrouz Kamalvandi, isagoo sharxaya “Qeyb weyn oo ka mid ah qalabka iyo agabka ayaa mar hore laga saaray goobta, mana jirto wax khasaare ah oo la taaban karo, mana jiraan wax walaac ah oo ku saabsan wasakheynta shucaaca.”

Israa’iil ayaa duqeymihii ay ka fulisay gudaha Iran waxa ay ku beegsatay xarumaha Nukliyeerka Iran lagu farsameeyo, kuwaa oo khasaarooyin kala duwan ay kasoo gaareen duqeymaha lagu garaacay.