Iran ayaa la sheegay inay gacan ka geysanayso horumarinta adeegyada waddooyinka, tareennada iyo horumarinta adeegga bulshada ee Afgaanistaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.
Wafdi ka socda Wasaaradda howlaha guud ee dawladda Afgaanistaan ee ay hoggaamiyaan ururka Taalibaan ayaa maanta gaaray magaalada Tehran ee caasimadda Iran oo la sheegay saraakiisha Iran inay kula kulmi doonaan.
Waqtigan xaadirkan, badeecooyin ganacsi ayaa isaga kala goosha Iran iyo Afgaanistaan, waxaana isku xira khadka tareen oo lagu magacaabo Khawaf-Herat,iyadoo qeybo ka mid ah wadadaas ay weli ku socoto howlo dib u dhis iyo hagaajin ah.
Iran, waxay u aragtaa Afgaaniistan suuq ganacsi oo muhiim u ah, taasoo keenaysa inay door u yeelato maalgelinta iyo horumarinta Afgaanistaan.