Iran ayaa sheegtay in Ismail Haniyeh iyo ilaaladiisa lagu dilay guriga martida oo ku yaal waqooyiga Tehran saacadu markay ahayd 02:00AM, xilligaas oo ku dhaweyd waabirigii saaka, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday, gantaal laga soo ganay meel ka baxsan xudduudaha Iran.
Weerarku waxa uu su’aal geliyey hay’adaha ammaanka Iran iyo sida ay ula dhaqmayaan falalka noocan ah ee Israa’iil ka geysaneyso gudaha Iran.
Israa’iil ayaa horay u dishay saynis yahano u dhashay Iran tobankii sano ee la soo dhaafay ama wax ka badan, laakiin waligeed ma aanay bartilmaameedsan mudane ama hogaamiye siyaasadeed caan ah oo Iran ah.
Saddex sano ka hor, wasiirkii hore ee sirdoonka, Ali Yunessi, ayaa sheegay in Israa’iil ay galaangal qoto dheer ku leedahay gudaha Iran, oo ay tahay in dhammaan mas’uuliyiinta ay u baqaan naftooda.