Heemaal News Network

Iran Oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadalkii Trump Ee Qasa Looga Rarayay Fallastiiniyiinta

Wasiirka arrimaha dibadda Iran,Abbas Araghchi ayaa ka jawaabay hadalkii Trump ee la xiriiray inuu ka saarayo Falastiiniyiinta marinka Qasa;

“Waxaan hayaa hindise kale oo aan ahayn qorshaha Trump ee ah in Falastiiniyiinta lagu barakiciyo marinka Qasa… Maraykanku waa inuu ka saaraa Israa’iiliyiinta oo uu u wareejiyaa Greenland— Tani waxay la macno tahay in hal dhagax lagu dilo laba shimbirood, sababtoo ah wuxuu isku helayaa Greenland iyo Yuhuudda, markaanna bariga dhexe ayaa nabad noqonaya.”