Heemaal News Network

Iran Oo ka Fakaraysa inay Xirto Gacanka Hormuz

Iran ayaa ka fakaraysa inay xirto gacanka Hormuz, sidaas waxaa sheegay Sarreeye Guuto Ismaaciil Kawthari xubin katirsan Guddiga Amniga Qaranka Iran.

Marin-badeedka Hormuz waa marin u dhexeeya Gacanka Faaris & gacanka Cumaan, waana marinka kaliya ee badda ee ka yimaada Gacanka Faaris ilaa badweynta furan, waana mid ka mid ah meelaha ugu istiraatijiyadeed ee adduunka.

Waa marka kaliya ee xiisadda dagaal ee Iran iyo Israa’iil ay gaarayso meel walba, wuxuuna go’aankan si dhaqso ah u saameynaya qiimaha shidaalka iyo saamiyada suuqyada, sababtoo ah xiritaanka marinkan waxay ka dhigantahay inuu is taagay isku socodka shidaalka 30%, maaddama marinkan uu dhuun u yahay soddon boqolkiiba shidaalka dunidda laga adeegsado.

Tallaabadan waxay Iran u adeegsanaysa cadaadis caalami ah oo ku khasbi kara dunidda inay xal diblomaasiyadeed u raadiyaan xiisadda dagaal oo ay ku lug leeyihiin dalalka galbeedka oo la kulmaya saameynta u sarreysa ee ka dhalanaysa xiritaanka marinkan. Go’aanka xiritaanka Hormuz, ayaa sidoo kale ka dhigan inay Iran adeegsatay mid ka mid ah kaararkeeda cadaadiska ee gacanta ugu jiray!