Heemaal News Network

Iran Oo Lagu Eedeeyay In Xogta Ololaha Trump ay Jabsadeen

Ololeeyayaasha Donlad Trump ayaa ku eedeeyay Iran in kooxo u shaqeeya ay fariimahooda gudaha la jabsadeen.

Bogga Politico ee Mareykanka ayaa sheegay sabtigii in loo soo diray Email oo ay ku jiraan qoraalada ololaha doorshaada.

“Dokomentiyadan waxaa si sharcidarro ah looga helay shisheeye cadow ku ah Mareykanka, ujeedkuna waa in la farageliyo doorashada 2024-ta,” sidaasina waxaa BBC u sheegay afhayeenka ololaha.

Bogga wararka Politico waxa uu sheegay in ay xaqiijiyeen sax ahaanshaha dokomentiyada balse BBC ma cadeyn karto in taasi ay jirto.

Kooxda ololaha ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah ama wax cadeynaya in Iran ay xiriir la leedahay kuwa jabsaday dokomentiyada.

Hadalkan ayaa soo baxay maalin kaddib markii shirkadda Microsoft ay soo saartay warbixin muujineysa in kuwa internet-ka jabasada oo Iran ah ay beegsadeen bishii June ololaha musharax madaxweyne balse ma aysan magacaabin kuu ahaa musharaxa.

Ololeeyayaasha doorashada madaxweynaha ayaa joogto u baara dadka ay suuragal tahay in loo magacaabo madaxweyne ku xigeenada si ay u helaan wax kasta oo bannaanka keenaya ciladaha musharaxaas.